Ku soo dhawaada maktabadda!
Rugta kutubtu waxa ay u furantahay dadka oo dhan.
Rugta kutubta waxaa yaala kutub ama buugaagta caruurta iyo kuwa dadka waawayn oo ku qoran luuqado kala duwan, joornaalo kala duwan, koorasyo luuqadaha ah,warbixinta bulshada, muusig, filim, kombiyuutaro iwm. Rugta kutubta lacag la’aan ayaa buugta looga amaahan karaa.
Si aad buugta u amaahato waxaad u baahan tahay kaarka amaahda. Kaarkuna waa lacag la’aan.
Hadii aad wax amaahato waxaad haysan kartaa 4 wiig inta badan, balse waa laga yaabaa in uu waqtigu intaa ka yaryahay ee ka hubi rasiidka.
Adigaa ka masuul ah buugta aad amaahatay. Hadii ay buugtu kaa dhumaan ama dhaawac gaaro ama aad la soo daahdo waxaad bixinaysaa lacag magdhabid ah.
Hadii aad ka waydo waxa aad doonayso rugta buugta sida; buug ku qoran luuqaddaada waydii shaqaalaha. Buugta aad doonayso badanaa waa la soo gadaa ama waxaa laga dalbaa maktabado kale.
Booqo boga interneetka! Bogaan waxaad ka baaran kartaa buugta yaala maktabada waadna kaydsankartaa si aan lagaaga amaahan. Waxaa kaloo ka arki kartaa buugta aad amaahatay ama hadii aad buug hore u amaahatay waqtiga amaahda ayaad ka dheeraysankartaa iwm: bibliotek.upplandsvasby.se
Waydii shaqaalaha wixi aad u baahantahay.
Waqtiyada ay maktabadu furantahay waa sidan.
Cinwaanka booqashada: Love Almqvists torg 1
Telefoonka: 08-590 973 70
Boostada elektaroonigga: biblioteket@upplandsvasby.se
E-böcker på olika språk
Hos Världens bibliotek kan du läsa e-böcker och lyssna på ljudböcker på olika språk. Där finns arabiska, persiska, polska, somaliska, turkiska och flera andra språk.
Bläddra är en app med e-böcker på samiska, meänkieli och romani chib. Installera den från App Store eller Google Play.